Safiirka dowladda midnimada qaran ee u fadhiya wadanka Sudan oo maanta daboolka ka qaaday in aysan safarada masuul ka ahayn qofkii aanan magaciisa ka diiwangalin safarada sanadka cusub ee 2010 .
Waxaa si rasmi ah go’aan ka soo baxay maanta safarada soomaaliya ee maqarkeedu yahay dalka sudan laguna wargelinayo dhamaan ardayda soomaaliyeed ee ku dhaqan isla wadanka sudan inay iska soo diiwaan gashaan safarada sida ugu deg-degta badan ulana xiriiraan qunsuliyada safarada.
Ayaga oo ka amba qaadayo hadalkooda ayey sheegen qof waliba oo aanan iska diiwaangalin aysan masuul ka ahaan doonin safaradu dhibaatada soo gaarta waa sida uu warka u dhigaye madaxa safarada .
Ayaga oo ka amba qaadayo hadalkooda ayey sheegen qof waliba oo aanan iska diiwaangalin aysan masuul ka ahaan doonin safaradu dhibaatada soo gaarta waa sida uu warka u dhigaye madaxa safarada .
Sido kale safiirka safarada proff: mahdi abuukar mar uu kahadlay arinta baabasaboorka waxa uu sheegay in ay qiimaha Baasaboorka ay hoos u dhigeen kadib markii ay ardayda ku hungoodeen lacagta qiimaha culus ee laga qaadi jiray balse waxaa dib loogu soo celiyay lacagta halkii ay horayba u ahaan jirtay sida:-
Baasaboorka cusub ee laga dalbanayo wadanka soomaaliya isaga oo nadiif ah waxaa lagu sameynjiray 125kun oo lacagta sudan ah isaga oo hada laga dhigay 60kun oo lacagta sudan ah
- Baasaboorka marka la cusbooneysiinaayo sadaxdii sano halmar waxa uu ahaa 70kun oo lacagta sudan ah iyadoo haatan laga dhigay 50kun oo lacagta sudan ah .
intaa kadib safarada iyo madaxda ka howlgala waxa ay si lixaad leh oo xowli dheer u fidinaayaan in aysan waqtigooda dib uga soo dhicin ardayda waxa ay furmeysaa diiwangalinta magacyada bilowga sanadka cusub ee 2010 waxaana ka dhiman 2bil .
Si waliba ha ahaatee diiwangalinta magacyada iyo hoos u dhiga qiimaha Baasaboorka ayaa ah mid dib u habeyn cusub ay ku wadaan madaxda sare ee safarada taasoo ah mid ku saleysan horumarinta iyo nabadeenta ardayda ku dhaqan sudan maadaama ay horayba u jireen arday dhibaato kasoo gaartay shil gaari dabadeedna kuwaas oo dib laga aqoonsaday muddo dheer kadib.
Qore 'Duraan
www.allgaracad.com
Duraan5@gmail.com