Ururka MAP oo Ka Walaacsan Xaaladda Badbaadada ee Weriye Maxamed Yaasin Isxaaq
MAP:-Ururka MAP oo Ka Walaacsan Xaaladda Badbaadada ee Weriye Maxamed Yaasin Isxaaq
23 November 2009
Ururka Suxufiyinta Puntland ee loo yaqaan MAP waxaa uu aad uga walaacsan yahay xaaladda badbaado iyo xabsiyaynta weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo idaacadda Codka maraykanka ee V.O.A. uga warrama Gaalkacyo. Maxamed Yaasiin Isxaaq ayay habeennimadii Axaddii 21 kii November 2009, 3dii habeennimod ciidamo ka tirsan Sirdoonka Puntland waxay kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Sida ay sheegtay xaaska weriyaha koox ciidan ah oo ku hubaysan labo gaari oo gaashaaman ayaa hareereeyay guriga weriyaha waqti weriyaha guriga ay la hurdeen xaaska iyo carruurtiisa ka hor intii aanay la bixin weriyaha. Sida uu xaqiijiyay ururka MAP Weriyaha waxaa haatan lagu hayaa xarunta PIS ee magaalada Garoowe halkaas oo la geeyay maalintii shalay.
Xarigga weriyaha waxaa uu u muuqdaa in uu aargudasho u yahay warbixin weriye Maxamed Yaasiin ka sameeyay olole maamulka Puntland ku qaaday dadka ka soo barakacay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kuwaas oo maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ammaanka Puntland wax u dhimayaan, ayna gabbaadsiiyaan dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shababaab. Maamulka Puntland ayaa hore ugu eedeeyay Al-shabaab in ay mas’uul ka ahaayeen dilal iyo qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Maxamed Yaasiin Isxaaq waxaa uu warbixin uu sameeyay ku waraystay xubno ka tirsan dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya oo ku nool magaalada Gaalkacyo kuwaas oo kacabanayay sida ay sheegeen qaab aan wanaagsanayn oo maamulku ula dhaqmay, iyagoo tallaabada dowladda ku tilmaamay mid ah ciqaab wadareed iyo faquuq bulshada looga soocayo.
Sida ay sheegeen weriyaasha gudaha ku sugan warbixinnada iyo barnaamijyada uu gudbiyo Maxamed Yaasiin waxay ahaayeen kuwo muddooyinkan dhowaaba ay si gaara isha ugu hayeen ulana socdaan shaqsiyaad loo xilsaaray oo ka tirsan saraakiisha ammaank Puntland.
"Si gaar ah ayaan uga walaacsannahay badqabka iyo ammaanka weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq. Xarigga weriyaha waxaa uu qayb ka yahay olole cadaadis, sharaf dil, iyo cabsigelin ah oo ka dhan ah xuquuqda warfidiyeenka iyo xorriyadda iscabbiraadda,’’ ayuu yidhi Burhan Axmed Daahir, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee MAP. ‘‘Si xooggan ayaan u cambaaraynaynnaa falkan sharcidarrada ah ee ay ciidamada ammaanku iyo madaxda dowladduba ku beegsanayaan warrfidiyeenka sababtuna ay tahay run-sheegga iyo shaqada sharciga ah ee ay qabtaan warfidiyeenku.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin Sababta ciidamada sirdoonka Puntland (PIS) ay u xireen weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq laakiin waxaa cad in weriyuhu uu bartilmaameed u ahaa maamulka Puntland iyo ciidamada ammaanka shatii bilood ee u dambaysay. Weriyuhu waxaa uu dhowaan ka bogsooday dhaawac xabbadeed oo 17kii November 2009 uu u geystay askari ka tirsan booliska Puntland. Askariga ayaa rasaas ku furay gaari weriyuhu watay oo markaa ka dhaqaaqay bar kantarool halkaas oo mid ka mid ah rasaastii askarigu furay ay garabka bidix ka haleeshay weriyaha. Toogashadani waxay dhacday saacado ka dib markii taliyaha Qaybta Booliksa Puntland ee Gobolka Mudug Muuse Axmed Cabdiraxmaan uu weriyaha hanjabaad uga dhexjeediayay kulan suxufiyiintu ku lahaayeen Hoteel ku yaal Gaalakcyo. Bishii August ee isla sannadkan qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa Weriye Maxamed Yaasiin Isxaaq looga joojiyay in uu ka warramo Puntland inkasta oo toddobaad ka dib xayiraaddaasi wasaaraddu ka noqotay. Qoraalkaasi Wasaaradda ka soo baxay waxa lagu sheegay in wariyuhu caadaystay warinborobogaando.
Sida ay muujinayaan warbixinno Ururuka MAP uu helay, wariyayaasha Puntland waxaa soo wajahay cadaadis iyo cabsi xooggan oo la xidhiidha badbaadada iyo nabadgelyadooda ka dib markii maamulka Puntland uu kordhiyay tallaabooyinka ay ku beegsanayaan warfidiyeenka. Waxaa soo baxaya warbixinno ku saabsan weerarro lagu beegsaday warfidiyeenka oo ka dhacay Puntland.
Maalintii Sabtida, 19kii bishan askari hubaysan oo ka tirsan ilaalada gagiga dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo aya rasaas huwiyay Xasan Maxamed Jaamac oo ah agaasimaha idaacadda Gaalkacyo, nasiib wanaag rasaastaasi labo ka mid ayaa ka dusay surwaalka uu xirnaa agaasimuhu. Xasan Maxamed Jaamac ayaa ayaa maalintaasi gagiga dayuuradaha u tagay si uu u soo dhoweeyo qof saaxiibbadiisa ka mid ah, waxaa uuna goobta isga tegay ka dib markii ilaaladii halkaasi joogtay qaar ka mid ahi ay ugu hanjabeen in ay toogan doonaan haddii uusan dhaqso goobta uga dhaqaaqin.
Uuruka MAP waxaa uu ka dalbanayaa maamulka Puntland in ay si dhaqso ah xorriyadda loogu soo celiyo xariggana looga sii daayo Maxamed Yaasiin Isxaaq. Waxa kale oo Ururka MAP ka dalbanayaa maamulka in dhaqso baadhitaan habboon loogu sameeyo falkii toogasgada ahaa ee askariga ka tirsan ilaalada gagiga dayuuradaha Gaalkacyo uu ku vbeegsaday agaasimaha idaacadda Gaalkacyo Hassan Maxamed Jaamac.
Maamulka Puntland waa in uu ilaaliyaa badbaadada iyo ammaanka warfidiyeenka waana in uu damaanad qaadaa oo ixtiraamaa xorriyadda iscabbiraadda ee asaaska u ah shaqada warbaahinta sida uu dalbanayo dastuurka dalku.
Faahfahin dheeraad ah kala xidhiidh : Burhaan Ahmed Dahir, xoghayaha guud ee MAP
Email : burhaandaahir@gmail.com
Ama Cabdiqani Xasan, Xoghayaha Warfaafinta MAP,
binuxasan90@hotmail.com