Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo dhaawac fudud kasoo gaaray qarax lagu weeraray gurigiisa Garoowe.
Garoowe:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.
















Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa marka qaraxu dhacayay waxa uu ka dagay gaarigiisa, waxaana Allgaracad loo xaqiijiyay in Gudoomiyuhu uu dhaawac fudud oo firir ah qaraxaasi kasoo gaaray, sidoo kale waxaa dhintey mid ka mid ah Ilaalada Gudoomiyaha baarlamaanka halka darawalkii Gudoomiyahana uu dhaawac kasoo gaaray culus.

Ciidamada Booliska iyo kuwa daraawiishta ayaa durba gaaray guriga Gudoomiyaha oo hortiisa qaraxu ka dhacay, waxaana ay ciidamadu rideen rasaas, iyadoo ay isweer ka qabteen aaga guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayna baaritaan ku jiraan, imika xaalada lama ogaan karo, hase ahaatee wararka danbe ayaan idinkula socodsiinaynaa waxa kasoo kordha qaraxa ka dhacay Garoowe ee Gudoomiyaha lagu weeraray.

Kala Soco waxa soo kordha Shabakada Wararka ee Allgaracad.com.
Xafiiska Wararka Allgaracad ee Gaalkacyo.
Allgaracad.com, Gaalkacyo

Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cabsiiye Ceyr oo beeniyey hadal shalay ka soo baxay Afhayeenka Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab oo ahaa..

Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cabsiiye Ceyr oo beeniyey hadal shalay ka soo baxay Afhayeenka Xarakada Mujaahdiinta Al-Shabaab oo ahaa..

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen waxgard iyo odayaal ka tirsan beesha Cabsiiye Ceyr oo ka tirsan beelaha Habar gidir ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyagoo si kululna u beeniyey hadal kasoo baxay shalay Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali dheere oo ahaa in beeshaasi iyo xarakada ay gaareen heshiis dhowr qodob ka kooban.

Nabadoon Cilmi Xirsi Carab oo ka mid ah waxgaradka beeshaasi Cabsiiye oo kulanka ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana uusan jirin wax heshiis ah oo beesha Cabsiiye ay la gaartay Xarakada mujaahhidiinta Al Shabaab



Hadii aan nahay beesha Cabsiiye Ceyr ma jiro wax heshiis ah oo aan la galany Al shabaab, deegaanka Gadoon ee Shabaab ay sheegtay iney heshiis kula gaartay beesha Cabsiiye Ceyr waxaa ka taliya culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljameeca mana joogaan Shabaab xitaa meel u dhow, aad ayaana ula yaabnay runtii warkaas” ayuu intaa ku daray Nabadoon Cilmi Xirsi Carab.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab Sheekh Cali dheere ayaa shalay warbahinta Muqdisho u sheegay in deegaanka Gadoon oo u dhow dhuusamareeb ay heshiis kula gaareen Beesha Cabsiiye Ceyr kaasoo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen sida uu sheegay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo la dagaalanka dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qore Maxmed MUUSE
WWW.ALLGARACAD.COM
DURAAN5@GMAIL.COM

Xaflad Lagu Qabtay Magaalaga Seattle Washington O Loo Qabtay Marwo Caasha Geele O Booqosho Ku Joogtay Magaalada Halkaan Ka Daawo Sawirada
Xaflad Lagu Qabtay Magaalaga Seattle Washington O Loo Qabtay Marwo Caasha Geele O Booqosho Ku Joogtay Magaalada Halkaan Ka Daawo Sawirada
Curent News
Xaflad Lagu Qabtay Magaalaga Seattle Washington O Loo Qabtay Marwo Caasha Geele O Booqosho Ku Joogtay Magaalada Halkaan Ka Daawo Sawirada
hot sexy