Homboboro Football Club
Ciwaan ka warbixinta
Warbixinta Sanadka 2009 ee kooxda HomboboroFC
Xarunta Warbixinta
Galkacyo Puntland Soomaaliya
Taariikhda Warbixinta
15th Dec-09
Xiriirada Kooxda
Galkacyo office, Ex-xero darawiish, aga gaarka Kabitaal Hotel.
Tell: +252-90758100/90767123
Email: homboborofc@hotmail.com, xaarin10@hotmail.com
Tusmada Warbixinta
Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa qodobada kala ah.
1. Hordhaca
2. Isbadalka hormarka kooxda.
3. Isbadalka Maamulka kooxda.
4. Xiriirada iyo Hishiisyada kooxda.
5. Safarada kooxda.
6. Koobabka ay safatay iyo natiijadoodii.
7. Warbixinta ciyaar yahanada.
8. Abaal marina kooxdu bixisay.
9. Ciyaaraha iyo Goolasha kooxda
10. Dhaqaalaha kubaxay iyo kii looqoondeeyey.
11. Sheerlayaasha kusoo kordhay Kooxda.
12. Fursadaha ay kooxdu hayso.
13. Caqabadaha ay lakulantaya kooxdu.
14. Gudnaanad.
1. Hordhac.
Kooxda Homboboro Fc, waxaa ay soo martay Mar xaladao kala gadisan sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay gaartay hor mar lataaban karo sanadkaan 2009.
Kooxdu waxaa ay sanadkaa sii wadatay tayadii iyo xirfadii ay ku haysatay kooxda ugu wanaagsan Gobolka Mudug, waxaa ay sidoo kale sii wadatay oo awood uyeelatay in ay noqoto kooxda ugu taageerada badan Gobolka, sidoo lakale waxaa ay kooxdu sii balaarisay Safaradii ay ku mari jirtay Gobolada Dalka.
Waxaa kooxdu ay sii balaarisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay howlaha hormarinta kooxda, waxaana ay sii balaarisay meelihii ay kaheli jirtay ciyaar yahanada usafan doona kooxda. Kooxdu waxaa ay balaarasisay hishiisyadii ay lagali jirtay kooxha Heerka koowaad Ee gobolada Puntland, waxaana ay xoojisay xiriiradii kala dhexeeyey maamulada iyo Wasaarada.
Isbadalka hormarka kooxda.
Kooxda Homboboro Foot ball Club, waxaa lagu soo kordhiyey isbadalao waa weyn waana lasii balaariyey. Waxaa labadal qaabkii qoraalka kooxda ama qaabkii loosoogabin jiray, Kooxda Awal waxaa loosoogaabon Jojiray (HFC) oo udhigantaha Homboboro Football Club hadase waxaa laga dhigay Homboboro FC
Kooxda waxaa ay isu badashay koox balaran oo gaarsiisan dhamaan Gobolada Dalka oo dhan, waxaa ay kor uqaaday taageerada ay ku leedahaya Bulshada Deegaanada Puntland, waxaana ay noqotay kooxdii ugu horaysay ee Gobolka mudug ah, oo gasha hisiisyo Heer qaran ah, sidoo kalana waxaa ay noqotay kooxdii ugu horaysay oo Gobolka mudug kadisan, sitoos ah koox ugala soo wareegta Ciyaar yahan ayada oo maraysa qaynuunka caalamigaa, waxaana ay kooxda Banaadir kasoo iibsatay Hal ciyaaryan oo lacagta ay kahishiiyeen 2da kooxood.
Kooxdu waxaa ay soobandhigtay ciyaaro, Xirfado, Maamulwanaag, isjacayl iyo Soojiidasho aan horay loogabaran kooxaha Gobolka, waxaana ay gaar tay heerkii ugu saraysay ee koox ay gobolka kagaarto, ayada o noqotay kooxda kaliyah ee maalinteeda uu buuxdhaafo garoonka Ciyaaraha ee markaas lagu qabanayo.
Isbadalka Maamulka kooxda.
Kooxda Homboboro FC waxaa ay gashay marxalada cusub, waxaa ladajiyey qawaaniin iyo Qaabdhismeed cusub oo kooxdu leedahay, kadib markii dib uhabay lagu sameeyey magacii kooxda hadana waxaa ay kooxdu dib uhabay ku samaysay Maamulkii kooxda Homboboro FC.
15th Feb-09 waxaa ay kooxdu Gashay shirkaas oo lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee kooxda, Gudoomiyaha Cusub e kooxda Homboboro FC iyo Kuxigeenkiisa, waxaana look ala magaacaabay sidaan.
Mustafa A.\asiis Yusuf, oo horay u ahaa gudoomiyaha kooxda, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Kooxda.
Max’ed Yusuf Faarax (Qowdhan) oo horay u ahaan jiray Koojka (macalinka) kooxda waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Kooxda.
Max’ed Yusuf Cali (kaadheeri) oo horay u ahaan jiray Afhayeenka kooxdana waxaa loo magacaabay Gu. Kuxigeenka kooxda, ahana Caawiyaha macalinka kooxda.
Max’ed Axmed Max’ed (Nayroobi) oo horay u ahaanjiray Kabtanka kooxda waxaa loo magacaabay afhayeenka kooxda.
A/hodan Dayax leef oo ah Gudoomiyaha Gudiga hormarka iyo dabagalka kooxda ayaa waxaa loo magacaabay Macalinka kooxda inta laga helayo Macalin cusub.
A/rizaaq Xuseen Cali Cilmi (badwi), waxaa loo magacaabay Lataliyaha guud ee kooxda, waana shaqsigii ugu horeyey ee ay kooxdu kasoo dhex xulato taageerada Gobolka.
Cabdale Max'ed Horeeye Xoghayaha Guud ee kooxda.
Nuur Xasan Cabdi: Kabtanka Sanadka ee kooxda.
28th Jun-09 waxaa uu macalinkii koxxdu soo bandhigay ajande lagu keenayo macalin cusub oo uu kulsoonyahay, Mr. A/hodan oo tixgalinaya waxyaabo badan oo kooxdu ubaahantahay ayaa soo jeediyey in Salaad Cabdi Yaasiin. Laga dhigo Macalinka kooxda, markii laqaymeeyey talabixinta uu ujeedooyinka uu kabixiyey C/hidan ayaa 30th Jun-09 Salaab waxaa loo magacaabay Malinka kooxda, gacanta ayuuna kudhigay kooxdii.
Xiriirada iyo Hishiisyada kooxda.
Kooxda homboborofc waxaa ay xiriiro lasamaysay dhamaan qaybaha kala gadisan ee bushada. Kooxaha, maamulada isboortiga, Taageerada iyo Saxaafadu waxaa ay ahaayeen kuwa ugu muhiimsan ee kooxdu xooga saartay.
Xiriirda ugu waa weyn waxaa ay kooxdu lasamaysay, Wasaarada Isboortiga Dowlada Punlad, waxaana ay ku guulaysatay in ay kahesho aqbalaad iyo aqoonsigii kooxda ee heerka oowaad oo aysan haysan inta badan kooxaha heerka koowaad ee Dowlada Puntland. Waxay sidoo kale kooxdu xiriir lasamaysay Gudiga Olompikada Puntlanad, iyo Olompikada Soomliya.
Kooxdu waxaa ay hishiis lagashay Jaamacada Bariga Africa, oo ay kala sixiideed in koodu ay Wajiga hore ee unaanada lagu ciyaaro loogu sooqoro Magaca Jaamacada Sixayeysiin ah, Bilowga Sanadka 2010, Jaamacadu ay kooxda ugu deeqdo deeq wax barasho, oo ay siin doonto dhalinyarada kooxda usafata, deeqdaas oo ah 4qof oo lobarayo luuqata 2qof oo heer jaamacadeed ah, oo lakala barayo Kuliyada Computer sciences iyo Kuliyada Caafimaadka.
Hishiisyadaani waa kuwii ugu horeeyey oo noocooda ah, oo kadhaca Gobolada Puntland iyo Gobolka Mudug, wxaana ay kooxdu ku heshay ticgalin dheeraad ah oo aysan kooxaha kale lahayn, waxaana ay kooxdu kadhabaysay, oraah deedii ahayd hormari
Bulshadaada iyo bar baari ubadkaaga.
Kooxdu waxaa ay xiriir wanaagsan lasoo yeelataya Kooxaha hrrka oowaad Gobolada Puntland, waxaana ay kala ahaayeen Kooxda OTB/Horseed ee Gobolka Bari, Kooxda Waamo ee Gobolka Nugaal, Kooxda Nasteex ee Dagmada Burtinle iyo Kooxda Golis Jariiban ee Dagmada Jariiban. Dhamaan kooxahaan waxaan soogalay heshiisyo ay kamid yihiin, inkooxdii ubaahata ciyaar yahan kooxda kale jooga aan kala qaadan karo, hadii aysan markaas kooxda uruuf adag uhayn, in 2da kooxood ay kala qaadan karaan wixii taageero maaliyadeed ama ciyaar han oo dhan, ayna ismartigalin doonaan Sanadkasta mar ama labo.
Safarada kooxda.
Kooxda HomboboroFC waxaa ay sanadkii gashaa 2safar sida u qorshaysan, hase ahaatee kooxdu waxaa ay sanadkaan gashay 4safar oo ay ku kaa tagtay Gobolada iyo dagmooyinka Puntland.
14kii Jun-09, waxaa ay kooxdu u baxday Gobolka Bari, magaalada Boosaaso oo ay kula ciyaartay kooxda OBT/Horseed.
19kii Jun-09 waxaa ay ubaxaday Gobolka Nugaal Dagmada Burtinle oo kula safatay kooxda Nasteex.
6dii-Aug-09, waxaa ay kooxdu ubaxday Gobolka Nugaal Dagmada Garoowe, waxaana ay kula safatay Kooxda Waamo.
8dii Nov- 09 waxaa ay kooxdu ubaxday Dagmada Galdogub, waxaana ay kula safatay kooxda Wadajir.
27kii Nov-09 waxaa ay kooxdu Ubaxaday Dagmada Jariiban oo ay kula safatay Kooxda Golis Jariiban.
Kooxdu waxaay aygashay Safaro badan, waxaase utimid oo soo martiday halkooxad oo katimid Gobolka Nugaal iyo Halkoox oo katimid Dagmada Jariiban.
5tii Jan-09 waxaa kooxda usoo martiday kooxda wadajira ee Gobolka Bari.
17kii-july-09 waxaa usoo martidaya Kooxda Golis Jariiban oo kasocotay Dagmada Jariiban.
Koobabka ay safatay iyo natiijadoodii
Kooxda Homboboro waxa ay ku haminayasay in ay sanadkaa kaqayb gasho koobka horyaalka Gobolada Puntland, mase uusan qabsoomin duruufo jiray owgood.
Kooxdu waxaa ay safatay 2koob oo labaduba heer gobol ah, waxaana ay ku guulaysatay mid kamid ah, halka kii kalana uu dhamaystirmi waayey, waxaana ay kala ahayeen koobkii Horyaalka Gobolka ee Ramadaanka, oo ay kooxdu aad isugu diyaarisay, hase yeeshay ujoogsaday sababo xaga maamulka iyo kooxaha qaarkoo ah. Iyo koobkii looxushay kooxda HomboboroFC, in ay laciyaarto Xulka Gobolka Mudug, maadaama aytahay kooxdii ugu wanaagsanay Gobolka sanadakaan, waana ay ku guulaysatay koobkaas, oo xulka gobolka ayey kaqaaday.
Warbixinta ciyaar yahanada.
Kooxda Homboboro waxaa ay heshaya sanadkaan ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa Gobolka, waxaana ay sanadakaan soo iibsatay ciyaar yahanao aad u yar, balse waxaa ay nasiib uyeelatay in aysoo saarto Ciyaar yahano Tayo leh, sidookalana ay soo jiidatao ciyaar yahano ah kuwa gobolka ugu fiicfiican.
No
NoocaTirade
1. Ciyaar yahanada aan hishiisku kadhicin8 ciyaar yahan
2. Ciyaar yahanada Hishiiska loo kordhiyey4ciyaar yahan
3.Ciyaar yahanada Xorta kuyimid6ciyaar yahan
4.Ciyaar yahanada lasoo gatay1ciyaar yahan
5.Ciyaar yahanada Lafasaxay2 ciyaar yahan
6.Macalinka1maclin Xor kuyimid
Wadarta guud ee ciyaar yahanada Sanadka Soomartay21ciyaar yahan. Iyo 1 Macalin
Kooxdu waxaa ay amaan gaar ah uhaysaa C/hodan Dayar leef oo ahaa Macalinkii soo saaray ciyaar yahanada kooxda, Sidookale waxaa ay amaan uhaysaa Macalin salad oo kooxda siwanaagsan ugaga faa iideeyey ciyaar yahanadii ay haysatay kooxdu.
Abaal marina kooxdu bixisay.
Kooxdu waxaa ay abaalmarino kala gadisan siisay, ciyaar yahanadakooxda oo dhamaantood qabtay howl aad muhiim u ah, loona baahnaa, muujiyeyna isku xiraan iyo isjacayl.
1. Nuur Xasan Cabdi ciyaar yahankii ugu goolasha badnaa kooxda.
2. Mustafa Ahme Max’ed Ciyaar yahankii ugu fir fircoonaa kooxda
3. C/xakiin cuuke Tarabi Laacibkii kooxda Sanadakaan
4. Mowliid Max’ed Xandule Ciyaar yahankii ugu dulqaadka badnaa kooxda.
5. Asad xaaji Xaane Gool dhaliyaha koowaad ee kooxda.
6. Sharmaake Jibriil Ciise Furaha Ciyaar yahanada Kooxda.
7. Mukhtaar Axmed Max’ed Ciyaar yahankii ugu Da’ada Yaraa kooxda.
8. Axmed Max’ed (Qurbac) Ciyaar yahankii ugu akhlaaqda wanaagsanaa.
Ciyaaraha iyo Goolasha Kooxda
Kooxdu waxaa ay safatay ciyaario kala gadisan, waxaana ay lakulanatay guulo iyo guuldarooyin intaba, waxaana halkaan kusoo qaadanaynaah iyada oo isku duu duub ah.
Waxay usfatay saan
Inay Badisay
Inta ay bar baro gashayInta laga badueyey
976
Wadar22 kulan
Goolasha kooxdu dhalisay iyo inta laga dhaliyey.
Inta gool ay Dhalisay
Inta gool laga dhaliyey
3926
Wadar56
Cyaar yahanada goolasha udhaliyey.
No
MagacaIntuu dhaliyey
1. Nuur xasan Cabdi 12 gool
2.Mustaf Ahmed Moh’ed5 gool
3. Sharmaake jiriil ciise 4 gool
4. A/rishid Cali Qood3 gool
5. Asad Xaaji Xaange3 gool
6. A/rixmaan Afaa2 gool
7. Mukhtaar Axmed Moh’ed 2 gool
8Liibaan Cabdi (ilka)2 gool
9.A/xakiin Cuuke2gool
10. A/waxed Cowseey1 gool
11. Aadan Abdi Gare1 gool
12.A/asis Moh’ed Lambad1 gool
13.Mowliid Mohed1 gool
Dhaqaalaha kubaxay iyo kii looqoondeeyey.
Kooxda HomboboroFC waxaa ay sanadakaan kordhisay dhaqaalihi ay ugu talagashay kooxda, waxaana sababay hormarka ay kooxdu gaarayso, sidaas daraadeed waxaa uu maamulka kood kordhiyey dhaqalihii kooxda 65%,
Waxaana u sanadakaan ugu talagalay in ay kooxda ku baxdo, So.Sh. 45,000,000, waxaana la ansixiyey 3dii Jan-09, waxaa kale oo la ansixiyey in kooxda loo kordhinkaro 20% hadii loosoobaahdo.
Kadib markii ay kooxdu ubaxday safaro kala gadisay ayna soo iibsatay alab badan, oo aan laga helin deegaankeena, ayaa waxaalaga maarmi waayey in akordhiyo dhaqaalaha, waxaana loogu dara, So.Sh. 13.375,000 oo uu soodalbadal Gudiga hormarinta kooxda iyo Macalinka Kooxdu uuna ansixiyey Gudoomiyaha kooxda. Wadarta guur ee dhaqaaliaha kooxda sanadkaan ku baxay ayaa waxaa uu isku noqonayaa, So.Sh.58,375,000.00
Sheerlayaasha kusoo kordhay Kooxda.
Kooxda HomboboroFc waxaa ay iibasisay sheer gaaraya 17%, oo ay ka iibisay Agaasimaha Guud ee Jaamacada Bariga afrika P/L Md. Sayid Moh’ed Hasan.
Waxaana ay haysaa sheerer iib ah, oo ay uhayso cidkasta oo diyaar u ah in ay sheerle kanoqoto kooxda, manajiraan wax shuruudo ah oo kuxiran dashada sheerkaas, marka laga reebo hishiiska dhexmaraya kooxda iyo Sheerdoonka.
Fursadaha ay kooxdu hayso.
Kooxdu waxaay fursado wanaagsan uhaysa dhamaan ganac satada iyo dhaliyarada, Sigaar waxaa ay kooxdu fursad ugu haysaa ciyaar yahanada kamid noqoda kooxda, in ay heli doonaan deeq wax barasho oo heer jaamacaded ah, hadii uu soo buuxiyo shuruudaha ay kooxdu soo hordhigto.
Ganacsatada waxaa ay ubalan qaadaysaa in ay uhayso meelo ay kusoo bandhigan doonaan xayeysiinta ganacsigooda, waxaana ay balanqadyasaa in ay uga faa iidayn doonto, taageraa ay kooxdu leedahay iyo xiisaha loo qabo daawashada ciyaaraheeda.
Caqabadaha ay lakulantaya kooxdu.
Kooxda Homboboro waxaa ay kulantaya caqabado waa weyn oo lagayaabo in ay bulsha isboortig oo dhan ku tahay hanjab.
Ø Kooxdu waxaay dhibaato weyn ku qabtaa maamulkaisboortiga Gobolka Mudug, kaas oo kooxdu ay ku eedaynayso in uu mas’’ulkayahay, in uu kahor istaago in ay kooxdu hanato koobka Horyaalka Gobolka, Maxa yeelaya 2dii sano oo u danbaysay kooxdu waxaa ay kharash badan ku bixisay in ay dhist kooxda, markii kooxdii la dhisayna, maamulka isboortiga ayaa sabab u noqday 2daas sanaba uu joogsadohoryaalkii gobolku, inkasta oo kooxdu awood uyeelatay in ay Hanato Koobabkii kale ee Gobolka laga dhigay, waxaana ay kooxdu qaaday 4koob oo labadii sano oo tagay ladhigay labo kamid ah, halka labada aysan qaadina ay ahaayeen horyaaladai uu maamulku joojoyey.
Ø Kooxdu mahaysato taageero maaliyadeed oo kabaxsan tan uu bixiyo Mulkiilaha kooxda Mudane A/sis Aw-yusuf Moh’ed, oo siyaasiga kalya ee P/L kaleh koox.
Ø Kooxdu Taageero kama hesho Xiriirad P/L iyo Soomaliya Midna.
Ø Dadka shacabka ah ee Gobolka Mudug ma ay fahansana Isboortiga, kama haysto gaaro sooxaray karta dhaqaale.
Ø Ganacsatada P/L ma ahan kuwo fahansan faa iidada isboortiga, sidaas daareedna waxaa ay ku hayan caqabad ladagaalan ah.
13. Gudnaanad. Iyo Mahad celin.
Alle ayaa Mahad iskale noo fududeeyey in aan abuurno kooxdaan kana shaqaysiino.
Kooxda Homboborowaxaa ay amaan balaaran uhaysaa Dhamaan xubnihii kaqayb qaatay hormarka Kooxda, waxaana ay sigaara amaan ugu haysaa Md.A/asis Yusuf Moh’ed (Xaarin) oo ah xaqlaha kooxdaan Taageera, bixiyana dhamaan dhaqaalaha ku baxa kooxdaan.
Waxaa kale oo xusid mudan Maamulka Jaamacada Bariga Africa oo taageerada kooxda iyo dhalinyaradeed, Sidookale waxaa xusid iyo amaanba mudan Gudoonka iyo Macalimiinta kooxda oo kooxda kadhowray dad mukhaadiraad leh in ay kamid noqdaan ama ay uciyaaraan. Agaasimaha Kooxda oo wakhti badan ku bixiyey sidii ay kooxdu uhagaagi lahayd, dadaal dheerna ugalay in ay kooxdu hesho deeqdaan wax barasho ayaa asna amaan gaar ah mudan.
Safiirka dowladda midnimada qaran ee u fadhiya wadanka Sudan oo maanta daboolka ka qaaday in aysan safarada masuul ka ahayn qofkii aanan magaciisa ka diiwangalin safarada sanadka cusub ee 2010 .