Amaanka Garoowe oo aad loo adkeeyey kadib qarixii xalay Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu weeraray <<Warbixin>>.
Garoowe:- Hal askari ayaa ku dhintey mid kalena wuu ku dhaawacmay qaraxii xalay lagu bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Md, C/rashiid Maxamed Xirsi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo Allgaracad la xariirtay ayaa waxa uu noo sheegay in dhaawac fududoo firir ah uu qabo.
"Adeer Waan fiicnahay alxamdililah waan ka badbaaday isku daygaas, waxaa dhintey mid ka mid ah ilaaladayda allaha u naxariisto, darawalkii gaariga ii wadayna dhaawac weyn ayuu qabaa isagana allaha caafiyo, adeer qofkii tiisu gasho ayaa dhimanaya marka ninkaas ayaa dhintey, anaguna waan badqabnaa", ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo aan waydiiyay qaraxu halka uu ka dhacay ayaa ii sheegay in uu ku dhawaa gurigiisa oo uu gali rabay, kadibna gaariga oo soconaya uu ka warhelay qarax culus.
Mar Allgaracad ay waydiisay Gudoomiyaha Baarlamaanka in cid loo qabtey iyo inkale ayuu sheegay ay ciidamadu ku jiraan baaritaan arintaas ku saabsan, wixii kasoo baxana ay ciidanku soo gudbin doonaan.
Dhanka kale, magaalada Garowe ayaa laga dareemayaa xirnaanshaha isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana saakay aysan dadku ku tukan Masaajidyada kadib markii ay dawladu bixisay amar ah in aysan shacabku soo bixin inta baaritaanku socodo, waxaana magaalada laga dareemayaa ciidamada daraawiishta Puntland ee sida Milatariga u tabobaran kuwaas oo heegan isaga jira sidoo kale ciidamada Booliska ayaa iyana aad u shaqaynaya oo baaritaan ku jira.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarkaasi iyo lagu eedeeyey toona, haseyeeshee waxaa laga warsugayaa ciidamada dawlada ee hawlgalada baaxada leh saaka kaga jira magaalada Garoowe.
Waa masuulkii ugu sareeyey ee dawlada Puntland ka tirsan oo qaraxa lagu weeraro, horey way jirtay in la dilay xildhibaan iyo Wasiir iyos saraakiil kaleba, hase ahaatee qaraxan ayaa ah mid aad looga argagaxay xaaladuna maahan mid caadi ah oo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan way ku soo badanayaan Magaalooyinka Puntland inkastoo ay u badnaayeen Gaalkacyo iyo Boosaaso.
waqtigan lama saadaalin karo xaalada iyo sida dawlada Puntland ay uga jawaabayso, waxaase iska cad in amaanka Puntland uu liito inkastoo dawlada Madaxwayne Faroole ay balan qaaday inay amaanka gacan ku qabanayso hadana waxaad moodaa inuu faraha kasii baxayo waana xukuumadii ugu horeysay oo Puntland ah oo baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda wax laga dilo.
Xafiiska Wararka Allgaracad ee Garoowe.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid” iyo wefdi balaaran u hogaaminaayo oo todobaadyadi ugu dambeeyey ku sugnaa qaar ka mid ah degaanada Puntland iyo Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta dib ugu noqday Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Axmed Maxamed Baasto oo ah Afhayeenka Maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo oo Horseed Media u waramaayay ayaa sheegay in Cabdi Qeydiib iyo masuuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug oo kulamo kula wada qaatay maalmihi la soo dhaafay ay guul ku soo dhamaadeen.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa u naga wada fariin taasi oo ah dhex dhexaadinta labada Madaxweyne ee ka jira Maamulka Galmudug khilaafkooda”,ayuu yiri.
Dhowaan ayay ahayd marki Taliyaha Ciidanka Booliska DFKM ah ee Soomaaliya u soo gaaray degaanada Puntland,halkaas oo uu u yimi tababar uu soo xiray Ciidamo ka tirsan DFKM ah oo mudo 4-bilood tababar uga soconaayay Akadeemiyada Ciidanka Degmada Carmo ee gobolka Bari.
Sidoo kale Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa halkaas maalmihi ugu dambeeyey gaaray labada Madaxweyne ee ka jira Galmudug,waxaana lagu wada in DFKM ah ee Soomaaliya ay ka dhex bilawdo wada hadalo lagu heshisinaayo.
allgaracad.com
Duraan5@gmail.com