Raadiyaha ay maamusho dawladda KMG ah ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa laga baahiyey warka sheegaya in nin loo diyaariyey in uu isqarxiyo uu ka baaqsaday talaabadaasi, ayagoo sheegay in ay heleen xog cad oo tilmaamaysa arrimahaas, ayna soo xiganayaan magacyo kala gedisan oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al- Shabaab ee dalka Soomaaliya.
Raadyaha ayaa baahiyey in wiilka qaraxaas ka baaqsaday magaciisu yahay Bile Cali, oo ka soo jeeda jinsiyada Soomaaliya, isla markaasna ay shaaciyeen fariintan Ehelkiisa oo sheegay aad uga walaacsanaayeen nolasha Wiilkooda, waa sida uu sheegay Raadyaha dawladduye.
Sidoo kale isla warbixintaas ayaa lugu sheegay in wiilkan uu qaatay lacag gaaraysa $20.000 oo dolar, taasoo ay sheegeen in ay siiyaan hogaanka sare ee Al- Shabaab, si uu iskugu qarxiyo gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixintaas ayaa sidoo kale lugu sheegay in ay uxaqiijiyeen Raadyahaas sugnaanshaha warkaas, saraakiisha Al- Shabaab qaarkood, gaar ahaana nin ay magaciisa ku sheegeen Bashiir Ibraahim Xuseen, kaas oo xaqiijiyey in uu ka maqan yahay nin ay ugu talagaleen weerar ismiidaamin in uu fuliyo.
Al- Shabaab oo inta badan gacanta ku haysa Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaan marar badan fulisay howlgalo looga soo horjeeday ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya iyo dawladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya, inkastoo aan la garan Karin sida ay xaqiiqo ku tahay in nin ka tirsan Al- Shabaab uga baxsaday.
Sarkaal sare oo katirsan Al- Shabaab qeybta gobalka Banaadir ayaa usheegay APL in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, isagoo sheegay in ay tahay been ay ka sameynayaan kooxaha uu ku sheegay in ay ka soo horjeedan Shareecada Islaamka, isagoo sheegay in aysanba dhici Karin talaabada noocaas ah.
DF iyo Mucaaradyadeeda mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa udhaxeeyey dagaal dhanka Warbaahinta ah oo ay isku adeegsanayaan Idaacado kala gedisan oo ka shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qoloba-qolada kale ka caydo, iyadoo sidoo kale ay Idaacadahaas baahiyaan Siyaasada dhinacyadan, ayna qolo kastaa ku doonayso in mawqifkeeda la raaco.
Duraan5@gmail.com