Kismaayo(Allgaracad)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in aysan manta wax dagaal ah ka dhicin deegaanadii ay shalay galab ku dagaalameen Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab, waxaana ay wararku sheegayaan in ay socdaan abaabulo ciidan oo ay labada dhinac ka wadaan magaalooyinka ay kala maamulaan.










Al- Shabaab ayaa ciidan xoog leh ka diray magaalada Kismaayo, kuwaas oo loo jiheeyey halkii ay dagaaladu ka dhaceen shalay galinkii dambe, si ay iskaga difaacaan kooxaha ka soo horjeeda ee Xisbul Islaam, hadii dagaal dambe lugu soo qaado, ayagoo sheegay in ay doonayaan in ay kooxahaasi ka saaraan gobalada Jubooyinka.

Odayaal dhaqan oo isku dayay xalinta arrimahan ayaa ku guuldareystay markii ay dhinacyadu diideen in ay ka hadlaan arrimahan oo ay kala hadlaan Odayaasha dhaqanka, waxaana soo baxaya walaac balaaran oo ku aadan xaaladaha labada dhinac.

Xisbul Islaam ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan dagaaladan, isla markasna ay doonayaan in ay qabsadaan magaalada Kismaayo, taasoo caro ku sii beertay kooxaha hada gacanta ku haysa magaalada Kismaayo.

Deegaanadii lugu dagaalamay ayaa ka madax banaan labada dhinac, waxaana dhinacyadu ay doonayaan in ay ku dagaalamaan gacan kuheynta magaalada Kismaayo, oo ay hada maamulayaan Xarakada Al- Shabaab oo ka saartay Kooxda Xisbul Islaam oo ay horay uwada qabsadeen.

Biidhi oo ah tuulo aan wax badan ka fogeyn magaalada Kismaayo ayaa saaka laga dareemayaa daganaansho, waxaana dadkii deegaankaasi ay sheegeen in ay cabsi balaaran ka qabaan dagaalo markale dhaca maadaama ay labada dhinacba hubeysan yihiin, isla markaasna ay heleen gurmadyo kala duwan.

Difaacyada kale ee dhinacyada ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana warar ka soo baxaya deegaanka Xagar ay sheegayaan in ay labada dhinac hada doonayaan in ay markale sidoo kale ku dagaalamaan agagaarka Xagar, markii ay halkaasi buux-dhaafiyeen ciidamada Axmed Madoobe ka amar qaadanaya.

DURAAN5@GMAIL.COM
Shir Lagu Qabtay Seattle Washington O Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhamaan Jaaliyada Rer Seattle Washington Shirkaas Waxaa Lagu Casuumay Marwo Caasho Geele Halkaan Ka Daawada
Old News
.Shir Lagu Qabtay Seattle Washington O Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhamaan Jaaliyada Rer Seattle Washington Shirkaas Waxaa Lagu Casuumay Marwo Caasho Geele Halkaan Ka Daawada


Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid” iyo wefdi balaaran u hogaaminaayo oo todobaadyadi ugu dambeeyey ku sugnaa qaar ka mid ah degaanada Puntland iyo Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta dib ugu noqday Magaalada Muqdisho Halkaan Aqri


Garowe: Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyey Shariif Sheekh Axmed in uu ka soo horjeedo horumarka Puntland.Halkaan Aqri
15. november 2009 

Safiirka dowladda midnimada qaran ee u fadhiya wadanka Sudan oo maanta daboolka ka qaaday in aysan safarada masuul ka ahayn qofkii aanan magaciisa ka diiwangalin safarada sanadka cusub ee 2010 .

Halkaan Aqri oct/9/2009
Custom Search
Leave Your Comment