GARAAD JAAMAC GOODDIGIISU WAA GAR NINKII GARANAYOOW
Waa run in uu aad u gooddiyey Garaad Jaamac Garaad, kuna gooddiyey in uu
seefta galka kasaarayo, kaddib markii ragaadka culusi ku raagay Laascaanood.
Garaaddada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, waxgaradka iyo shacabka Gobollada
SSC muddo aan yarayn ayey ku jireen wada tashi, dulqaad, qodaxbixin iyo in
si nabadgelyo ah lagu soo celiyo Laascaanood, iyadoo aan wax dhiig ahi ku
daadan, waxaase soo ifbaxday in aan fekerkaas lala garan oo aan cidina dheg jalaq
u siin, balse lagu sii giijiyey Laaska cadaadisyadii cadowtinimada ahaa oo ay kamid ahaayeen dilka, xabsi aan kala sooca lahayn, barakicin, cabburin, cagajuglayn, muqu-
no iyo muruqtuujin nasiibdarro ah oo aan dadkaasi hore isticmaarkii kala kulmin.
Waxaa dad badani aaminsan yihiin in aan dhibaatooyinkaasi dhaafsiisnayn ciilka iyo
carada Daahir Riyaale u qabo reer Laascaanood, kaddib markii uu magaaladaas booqasho u aaday mar hore, hase yeeshee xabbad, dhagax iyo qoob iyo qaylo
lagaga saaray Laaska ilaa uu garanwaayey in uu ka noqdo dariiqii uu hore uga soo galay, danina qaadsiisay in uu duurka jibaaxo.
Haddaba, aniga oo Garaad Jaamac oo ah Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahane 100% ixtiraamaya, aadna u rajeynaya in Alle u fududeeyo, guul wacan oo aayatin
lehna ay isaga iyo ummadda uu magacooda ku hadlayo ka gaaaraan halganka xaqa
ah, haddana waxaa iga su'aal ah:
Mudane Garaad Jaamac, horey ma ugu hawlgashay oo ma hubisay mana raadisay mideynta talada tolka, maalka, muruqa, maskaxda, siyaasadda iyo wadajir u fulinta
qorshaha aad adduunka iyo Beelweynta Dhulbahante dhegahooda ku shubtay
Akhristayaal, kolley iyo kolleyba innaga oo heli doonna jawaabta Garaadka, ayaahaddana Soomaalidu hore u tiri:
dani waa seeto", iyo "dadku waa talo keen iyo talo raac". Sidaas darteed, inkastaoo waayadan dambe Soomaalida uu dhaawacay dhaqanguur aad u marinhabaabiyey, ayna halis weyn innagu hayaan kooxo yar oo door biday danaysi riqiis ah, isquursi, anigu lama ogeyn iyo ma oggoli daliishada, haddana waxaa innala gudboon in aynnaan talada laba kadhigin iyadoo mid ah, waana in aan u wada hoggaansanno talo kasta oo taageereysa xornimada iyo sharafta Gobollada SSC, muran la'aan.
Waxaa kaloo tixgelin mudan iyo in sida ay tahay loo qaato laguna dhaqmo qodobbadii
Garaaddada qaybtood ka soo saareen Garoowe ee ay ku sheegeen in meel dalka
gudihiisa ah la isugu yimaado oo la wada hadlo, talo kama dambays ahna la isku
raaco, habkaas ayaana lagu, midoobayaa, lagu caanamaalayaa, laguna xoroobayaa.
Su'aal muhiima oo kale oo ay dad badani qabaan ayaa jirta, taasoo dheheysa, horta waaba yaabe, Dhulbahante ma isagaa is haysta oo raalli ka ah sida wax u dhacayaan, mase waa la haystaa oo waa Beel loo xoog sheegtay?
Haddii lagu soo duulay dalkaas iyo dadkaas, sidaasna dharaar lagu qabsaday waa sahal in uu xoroobo, isagoo ku xisaabtamaya awoodda Alle siiyey, sabburka uu muujiyey, samaha uu wax ku doonay iyo hiillo hagar la'aan ah oo ay ula diyaar yihiin walaalahooda ay Maamul wadaagga yihiin oo ah Puntland, haddiise ay walaalahay la qumanaatay in aanay yeelan midnimo Beel ahaaneed, qaarkoodna hawl ka dhigtaan (midig u soco, bidix u soco, iyo midig iyo bidixba u soco, waa mawqif la'aan halis iyo marin habaabin ah, danta guud iyo tan shacabkuna sidaas waa ku dumaysaa, waxaana rajaynayaa in daawo degdeg ah cilladdaas loo helo, lana xakameeyo ragga ku budoo-
bay quud u taabacnimada iyo laba canlaynta sandareertada ah, waana in ay go'aan ka gaaraan mas'uuliyiinta ay ka go'do talada Dhulbahante, inshaa Allaah.
Xushmada, karaamada, sharafta, jiritaanka iyo horuumarinta SSC wuxuu ku jiraa in
aan loo kala harin cilladbixinta aayatiinka ummadda ku dhaqan gobolladaas, waana shuhubo in la kala shiro, kala aragti la noqdo, ogaadana hadba wixii la innagu arko ayaa la innagu qiimeynayaa, dhibaatidaanina innama hortimaaddeen haddii reerku
ul iyo diirkeed noqon lahaayeen, asaagoona weligiis masoo haweysteen.
Xubno tiro yar oo aan xisaabtamin, kana kala tirsanaa Laascaanood iyo Mamulka
Hargeysa ayaa si khiyaamo ah ugu heshiiyey in dhulka la dhigo calanka Somalia
oo ka taagnaa Laascaanood, laguna beddelo calanka Somaliland, waxayna ka
faa'iideysteen, sidaasna u fududeeyey Ciidammadii Daraawiishta ee Puntland oo
loo qaaday Koonfurta Soomaaliya, ayna u raacday maamulkii markaas ka jiray
Puntland oo ahaa mid looga duceeyey curin iyo xilkasnimo, una muuqdaysaaxiib dhanka kale ah.
Sidaas aawadeed, shacabka dulman ee Gobollada SSC waa u oommanaayeen cod xaq ah oo ka soo yeera mas'uuliyiintooda, waana maqleen codkaas waana soo dhoweeyeen, waxayna isla dhexmarayeen (WAXAANAD ADIGUBA
QAADATEEN, QEYRKAA LOOGUMA TALIYO".
Waa hore ayaa nin yaabban laga sheegay (WAAR HADDAAN DAB IRAAHDO MA AFKAYGUBANAAYA)? Waxaa Soomaaliya arrintaas ula mid ah maanta
xaaladda murugada leh ee aan ku jirray 19 sano markii xumaan loo qaatay in la kala xishoodo, la isnabadgeliyo, in runta la sheego, in si qumman loo dhaqmo, in aan ka toobadkeenno dulmiga iyo daallinimada Eebbe xarrimay.
Magaalooyinka, Garoowe, Hargeysa, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beled- weyne iyo inta kaleba anayska leh, Ilaah baana i siiyey, mahaddoodana isagaa
iska leh, mana jirto cid aan marti ugu ahay, kulligoodna waxaa dega dad walaalahay
ah, wadajirkooda ayaana guul, faan, farxad, garab iyo gaashaanna ii ah, waxna ku
noqon karaa.
Sidaas darteed, haddii aan iraahdo ereyo run iigu muuqda akhristayaashu waxay
xor u yihiin in ay igu khilaafaan ama igu raacaan, waana oranayaa waxaan qabo
dacar haddii ay ka kharaartahay.
Berbera iyo Hargeysa waa magaalooyin Soomaaliyeed, isla markaana waa laba
mataanood oo aan kala maarmi karin, waxaana 100% aan ka soo horjeedaa, kana
dagaallamayaa haddii cadoow ama cid kale isku daydo ama qorsheysato kala
qaybintooda, iyo in laga bixiyo gacanta ehelada ku dhaqan ee bud-dhigayaasha
u ah iyo Soomaali oo dhan. Waxaan kaloo diiddanahay in taako ka mid ah dalkaSoomaaliya ay goonni isutaagto sababtoo ah ma kala maaranno waana muqadis
midnimada Soomaaliya.
Waxaa magaalooyinkaas aan kor ku soo sheegay la mid ah Garoowe iyo
Laascaanood oo iyaguna la mid ah hal iyo nirigteed, damac adduun oo
aan loo qaateen ahayn ayaana u xusulduubaya kala reebiddooda. Haddaba,
waxaa digniin, dardaaran iyo talo iga ah, waa xaaraan in lagu xadgudbo oo la
xasarateeyo deriskaaga si walba walaalkaa u ah. Haddii nacab shisheeye
inteenna qaldan kula taliyey dalweyn oo dad badan ayaa aqoonsi lagu helaa,
ama ay si qallooc ah qaarkeen isaga dhaadhiciyeen sidaas, halla ogaado in ay
jiraan dalal aad uga dhul iyo dad yar Somaliland oo xor ah, sidaasna
eed la'aan dawlado ku ah, haddiiba ay dantu sidaas kabadinweydo.
Haddii 2da beelood ee SSC iyo SNM isku khilaafsan yihiin in ay maamul mida
wada yeeshaan, iyo in ay wadajir ugu hawlgalaan goonni u goosadka, ayna
yihiin laba beelood oo siman, waatuma midda laga ab iyo sinji fiicanyahay oo lagu khasbikaraayo in ay u hoggaansato mawqifka midda kale? Mase waxaan door
bidnay in aan cagta saarro dariiqa ay ku soconeysey Muqdisho 19 sano? Horaana
loo yiri: "NIN LADANI ISMA GARTO, IYO INTA NABAD LAYAHAYBAA
NINBA 2 NIN LE'EGYAHAY"!!!
Ma wanaagsana damaca waalan iyo in aad dantaada ka booddo, codkaaga ka
dheereyso, tabartaada soconweydo, ummadaha kalena xumaan iyo xasarad kula
kacdo, waana tii hore loo yiri: "RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUFAA
EE KAAS HALLA OGAADO".
Waxaan aad iyo aad uga xumahay, nasiibdarro weyn iyo wax lala yaabona ah,
in waqtigaan adag oo aan isdubannay, magaceennii iyo maamuuskeeniina duugnay,
ay haddana innga soo dhexbaxday koox doonaysa in ay qayb dalka Soomaaliya
ka mid ah goonni ula baxdo (Waqooyi Galbeed), sidii baadidana u kaxaysan
rabta Gobol kaas le'eg oo ah (SSC), lehna hab dhaqankii gumeystayaasha lagu
aqoon jiray, innaga oo heeryada addoonsiga iska tuurray l960kii, ayna weli
gacmaha isticmaarka ku dambeeyaan qaybo innaga mid ah??? Miyaanay taasi
ahayn yaabka yaabkiis iyo maradaadu kugu gubatay iyo magacaa be'?
19 sano ayaan maqlayey Hargeysa ayaa noqotay Caasimadda Jamhuuriyad
loogu yeero Somaliland iyo waxay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale.
Hargeysa 1960 ilaa 2009 (49) sano ayey Soomaaliweyn u ahayd caasimadda
2aad ee Soomaaliya, waana u qalantaa oo ku fiicnayd, hase yeeshee meel ayaa
lagaga dhacay kolkii laga casilay derejadeedii laguna tilmaamay in ay
Caasimad u tahay koox goonni goosad ah.
Si kastaba ha ahaatee waxaa su'aali ka taagantahay 19ka sano ee la sheego in
ay Somaliland jirtay waxay u dhigantaa ama ku dhowdahay 20kii sano ee uu
dalka maamulayey Maxamed Siyaad Barre, waxaana si cad u muuqda mashaa-
riicdii waaweyneyd ee uu gobolka ka hirgeliyey haddii aynaan is xastayn, markaan
in yar ka sheegnona ay ka mid yihiin:
- Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.- Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Africa ugu weyn ee Berbera iyo kan
Hargeysa.- Warshadda Sibirka ee Berbera.
Waddooyinka isaga gudba Burco, Sheekh, Berbera, Hargeysa ilaa Boorame. - Mashruucii dhiraynta ee Batalaale.- Mashruucii biyaha ee Geed Deeble. Xaggeese ku dambeeyeen mashaariicdaas
badidood?
Haddaba, haddii ninkii keligiis taliyaha ahaa ee aan dhaliileyney ama ceebey-
neyney uu dhisay mashaariicdaas aan soo koobnay oo tusaale ahaan aan usoo qaadannay maxaa jamhuuriyaddii demoqaraadiga ahayd ee cusbayd
soo kordhisay 19 sano? ama ku dartay wixii hore u jiray? Wax cusub oo la
curiyo iskaba dhaafe ma laga fekerey in ladayac tiro mashaariicdaas?
Laascaanood waa loo gafay ee ma aha, mana u qalanto in loo nisbeeyo magaalo la
isku haysto, balse waa caasimad leh taariikh, sumcad, dal iyo ummad awood u leh
aayo ka talintooda, waxaana Gobollada SSC ku tiirsan yihiin, garab iyo gaashaanna
u ah walaalahood oo ay hore u wada dhisteen maamul loo siman yahay, imminkana
ay ka tirsan yihiin, mana jirin cid ikhtiyaarka ka qaadday oo ku khasabtay in ay
Puntland ka mid ahaadaan.
Ugu dambaystii waxaan kula dardaarmayaa Beelweynta Dhulbahante ee tolkay ah
in ay wada gartaan debinka loo dhigay ee midnimadooda lagu kala dilayo
ayna ka mid yihiin shirqoollada " adigu Maxamuud Garaad baad tahay iyo adigu
Faarax Garaad baad tahay" iyo cidi kaama sarrayso, si la isaga horkeeno Beeshuna
ay sahal ugu wada dhacdo jeebka asaagood.
Garaad Jaamac gooddigiisu waa gar ninkii garanayoow, goor ay ahaatana aragtidiisu
waxay soo dhoweyneysaa in la helo xal degdeg ah oo dib looga noqonayo doolaalkii
lagu qabsaday Laascaanood, ama loo diyaargaroobayo dhiig daata oo sii dhaafa deegaanno aan hore loo hadalhayn, kuwaasoo dhul dhaxalwareegay loo qabo.
Horey bay Soomaali meheraddeeda uga mid ahayd musuqmaasuq, eex, laaluush
iyo wax isdhaafin, adduunkuna waa innagu bartay, hase yeeshee in maanta Gobollo
jira iyo dadkoodii afduub iyo musuqmaasuq loo qabsado waa arrin ugub ah oo ay
khatarweyni ku sugantahay.
Qore: Muuse Xaaji Abees
Email: abees11@yahoo.com