Gudiga Qaramada Midowbay ee la socodka Hubabka sharci darada ah ee galaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dawladdo badan oo kuyaala Geeska Africa iyo Caalamkaba in ay taageero wanaagsan siinayaan kooxaha ku dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya, ayna usahlayaan in ay sii wadaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya.
Gudiga oo wada hadalo ku leh magaalada New York ee xarunta Qaramada Midowbay, ayaa sheegay in ay dawladdaha Itoobiya, Kenya, Asmara, Yemen, Sucuudi Careebiya, Mareykanka, Masar iyo Thailand ay hub geeyaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo kala taageeraya dhinacyada isku haya Siyaasada Soomaaliya.
Golahan ayaa sheegay in ay dawladdaha Itoobiya, Kenya, Mareykanka iyo Yemen ay taageero siiyaan dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya, isla markaasna ay diyaaradahooda qaarkood geeyaan Soomaaliya xishnado hub ah, iyagoo door bidaya in ay taageero wanaagsan siiyaan Saaxiibadooda siyaasada ee jooga Soomaaliya.
Warbixin laga soo saaray dhamaadkii wada xaajoodyada ayaa lasheegay in dhamaantoodba wadamada taageerada hubeed galinaya Soomaaliya, looga baahan yahay in ay ka joogsadaan, hadii kale ay la kulmi doonaan talaabo uga timaada golaha amaanka ee Qaramada Midowbay.
Gudiga ayaa si gaar ah ugu caga-jugleeyey ama ugu hanjabay dawladda Asmara, oo uu sheegay in ay taageero aan kala sooc-laheyn ku afuuftay Islaamiyiinta ka dagaalamay gudaha dalka Soomaaliya, walow ay sheegeen in aysan Asmara taageero siinin kooxda Al- Shabaab oo ah koox ka madax banaan taageerada wadamada gobalka.
Dawladda Thailand ayaa lasheegay in ay diyaaradaheedu daad-gureeyaan hubabka aadaya dalka Soomaaliya,iyagoo ka qaadaya garoomada gobalka Bariga Africa iyo Saldhigyada ay Reer galbeedka qaarkood ku leeyihiin gobalkaas, waxaana la xaqiijiyey in Diyaaradahaas geeyaan hubabkaas meeshii ay doonaan, inkastoo la sheegay in hubabka ugu badan ay dhigaan gobalada Koonfureed ee Soomaaliya.
WWW.ALLGARACAD.COM