Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Cali Salaad oo ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ka soo jeeda Gobalada Bay iyo Bakool.
Gaalkacyo: Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Cali Salaad, ayaa maantay shir jaraa'id oo uu uga hadlayo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Gaalkacyo ka dhacay waxa uu ku qabtey xarunta Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.
Gudoomiyuhu waxa uu si kulul uga hadlay, dhibaatooyinkii ugu danbeeyey ee Gaalkacyo ka dhacay, khaasatan kuwii waxyeelada loogu gaysanayay dadka kasoo jeeda Gobalada Bay iyo Bakool, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay falalkaasi, waxaana uu bulshada Gaalkacyo u sheegay in dadkaasi ay yihiin dad Soomaaliyeed oo soo maciin biday nabada iyo xasiloonida ka jirta Puntland, wuxuuna dadka ka codsaday in la nabad galiyo dadkaasi.
Axmed Cali Salaad waxa uu canbaareeyey dilkii loo gaystey nin habeen hore lagu diley magaalada,kaasi oo cidii dishay aan la aqoon, waxa kale oo uu sheegay in ciidamada amnigu ay wax ka qaban doonaan haween ku hubaysan tooteeyo, baangado iyo ulo kuwaas oo handadaad ku haya dadka kasoo jeeda gobaladaas ee kabarada leh.
Gudoomiyaha oo la waydiiyay in uu jiro xiriir ka dhaxeeya dadka kasoo jeeda Gobaladaas iyo Maamulka Gobalka, ayuu sheegay in xiriir uu ka dhaxeeyo isla markaasna ay shir ku balansan yihiin dadka gobaladaas kasoo jeeda, shirkaasi oo maalinta barito ah ka dhici doona xarunta Gobalka Mudug.
Axmed Cali Salaad waxaa uu sidoo kale baaq ujeediyay dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda, waxaana uu ka codsaday inay ilaaliyaan nabada iyo degenaanshaha ay ku haystaan Gaalkacyo ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga.
Shirka jaraa'id ee Gudoomiyaha Gobalka Mudug, waxa uu ku soo aadayaa iyadoo magaalada laga dareemayo kacsanaan xoog leh oo ay dadku ka muujiyeen falkii lagu diley allaha u naxariistee Cismaan Cabdi Daahir (Coorcoore), kaasi oo uu dilay nin bastoolad ku hubaysan oo wadaado dhaawac u gaystey oo isna Boolisku ay toogteen, hal qof oo Gobalada Bay iyo Bakool kasoo jeeda ayaa Gaalkacyo lagu diley sidii ay u dhacday dhacadada wadaada lagu dhaawacay, waxaa sidoo kale dhaawacyo fudud iyo hanjabaado loo gaystey ganacsatada Gobaladaas kasoo jeeda, waxaana hadda laga dareemayaa suuqa maqnaanshaha ganacsatada reer Bay iyo Bakool kuwaas oo sababo xagga amaanka ah u joojiyay hawlihii ganacsi, waxayna ku xaraysan yihiin guryahooda.
Falalkan waxaa si aad ah uga horyimid waxgaradka Gobalka, waxayna waxgaradka oo Idaacadaha ka hadlaya ay dadka ku booriyeen in la dhawro xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee Koonfurta kasoo jeeda, sidoo kale Maamulka degmada Gaalkacyo iyo culimada Gobalka ayaa iyaan falalkaasi canbaareeyey.
Allgaracad.com
Gaalkacyo, Soomaaliya
Qolada caafimaadka iyo Saraakiil ka tirsan dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ku dhinteen qaraxaasi 5 kamid ah Askarta dawladda Puntland, isla markaasna ay sidoo kale dhaawacmeen 5 Askari oo kale, waxaana burburay guud ahaan gaarigii ay saarnaayeen, oo ahaa kii lala beegsaday qaraxan xooga leh.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo laxariira arrimaha ku wajahan qaraxan,waxa ayna walaac kamuujiyeen qaraxyadan.
Howlgal deg deg ah ayaa laga bilaabay magaalada Boosaaso, waxaana manta la xiray wadada Laamiga ah ee magaalada Bosaso, iyadoo guud ahaan loo diiday dadku in ay isticmaalaan wadadaasi, waxaana socda baaritaano xoog leh.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay qabteen dad ay ku sheegeen in ay ka soo horjeedeen amaanka, iyagoo sheegay in ay dadkan ku hayaan tuhumo la xariira qaraxii ka dhacay magaalada Bosaso ee gobalka Bari.
Gaadiidka ay adeegsadaan ciidamada dawladda Puntland ayaa inta badan Xawaare aan dheereyn ku dhexmara gudaha magaalooyinka Puntland, waana markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah lala beegsado ciidamada Daraawiishta ee Puntland.
Xukuumada Puntland ayaa go’aan ku gaartay in sugid dheeraad ah lugu sameeyo amaanka Bosaso, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu Madaxda dawladda Puntland ay amaro ka soo saari doonaan xaajada amaanka ee gobalka Bari.
www.allgaracad.com
Xigasho Puntlandi