Ciidamada PIS-ta Gaalkacyo oo xalay Gurigiisa ka kaxaystay Wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq.
Gaalkacyo: Wariye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada VOA, ayaa xalay goor danbe gurigiisa lagala baxay, wariyaha ayaan la sheegay in gurigiisa xalay isaga oo jiifa inay tageen Ciidanka PIS-ta loo yaqaano.
Lama oga sababta Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq gurigiisa loogala baxay, sidoo kale lama oga halka ay ciidanka PIS-tu la aadeen Wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq.
Maamulka Gobalka iyo degmada iyo saraakiisha amaanka Gaalkacyo oo aan khadka Telefoonka qaar kood ku wacnay qaarna aanu u tagnay anoo wariyeyasha Gobalka ka kooban waxay masuuliyiintu noosheegeen in xarigas ay ka warheleen balse aysan ogayn sababta wariyaha guriga loogala baxay.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobalka ayaa Allgaracad u sheegay in Wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq uu ku xiran yahay amar kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, masuulkan oo ka gaabsaday magiciisa ayaa Allgaracad waxa uu intaas ugu daray in wariyaha loo haysto war Idaacada VOA-da ka baxay.
Xariga qarsoodiga ah ee Maxamed Yaasiin Isaxaaq ayaa imaanaya labo maalmood kadib , markii askari ka tirsan Ilaalada garonka Dayuuradaha Gaalkacyo uu rasaas ku furey Agaasimaha Radio Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac.
Xariga Maxamed Yaasiin Isaxaaq ayaa waxaa ka horeeyey dhawr jeer oo hore oo ay ciidamadu handadaad u gaysteen sidoo kalena ay dhaawaceen wariyaha bishii hore ee November, waxaan dhaawacay askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo Isbaaro joogay, waxaa ka horeeyey dhaawaca Maxamed Yaasiin iyo Xariga xalay loo gaystayba xarig hore oo uu Madaxwaynaha Dawlada Puntland ku amrey markii uu Gaalkacyo ku sugnaa, sidoo kale labo jeer oo hore ayaa shaqo joojin ay ku samaysay Dawlada Puntland Wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq.
Lama oga waxa ka danbeeya tacadiyadan lagu hayo wariyeyasha Gobalka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo ku sugan, iyadoo wariyeyaashu ay ku dhexjiraan hawlahooda shaqo ayay hada waxay quus ka taagan yihiin Dawlada Puntland iyo ciidamaddeeda amniga suga, kuwaas oo caburin ku haya Wariyeyaasha Gaalkacyo ka hawlgala, wariyeyaasha Gaalkacyo ku sugan ayaana waxay canbaaraynayaan falalkani isdaba socda ee wariyeyaasha lagu eeganayo .
Xafiiska Wararka Allgaracad.com
Gaalkacyo, Puntland Soomaaliya.