Garowe: Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyey Shariif Sheekh Axmed in uu ka soo horjeedo horumarka Puntland.
15. november 2009 


Garowe(Allgaracad.com)- Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane C/rishiid Maxamed Xirsi oo wareysi khaas ah siiyay APL ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabooyinkii ay ku dhaqaaqday dawladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaheeda Shariif Sheekh Axmed ee ay ku qaadaceen heshiiskii uu Gaalkacyo ku saxiixay Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. Cumar C/rishiid Cali Sharmaake.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan marnaba cidna wada hadal iyo gor-gortan kala galeyn arrimaha ku wajahan horumarka Puntland, wuxuuna ku eedeeyey Shariif Sheekh Axmed in uu ka soo horjeedo horumarka Puntland, isagoo ah Madaxweyne Soomaaliyeed.

Mr. Cabdi-rishiid wuxuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin oo aysan cidna uga habeysan doonin horumarinta Puntland, isagoo cadeeyey in ay Puntland ka tirsan dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Faderaalisim-ka, isagoo tilmaamay in aysan dawladda KMG ah ilaa hada aysan ku guuleysan in ay samayso wax ka badal ku aadan Dastuurkii arrimahaasi wax ka qaban lahaa.

“ Shariif wuxuu yiri Ma dooneynayo mana ku howlanin Horumarkeena, idina waxba ma qabsan kartaan, taasina waxaan uaragnaa mid waji lugu diidan yahay heshiiskii Gaalkacyo lugu saxiixay, sidaas daraadeed dawladda Puntland iyo Golaheeda baarlamaanku ma aqbali doonan hadalkaas ka soo baxay Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed” Ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka oo muujiyey sida uga xun yahay hadalkii dawladda KMG ah.

Ra’iisul baarlamaanku wuxuu intaasi ku daray in ay Puntland ay gaartay horumar la taaban karo, isagoo sheegay in ay dalalka Caalamku waqtigan la joogo ay Barnaamijyo badan oo ku aadan horumarka Puntland ay ka wadaan gudaha Puntland, wuxuuna cadeeyay in ay taasi keentay amaanka iyo xasiloonida ka jirta gudaha Puntland.

Wareysi dhinacyo badan oo uu Allgaracad siiyay gudoomiyaha baarlamaanku, wuxuu sidoo kale ku soo qaaday ilaa hada waxyaabaha laga qabtay dilal kala duwan oo ka dhacay gudaha deegaanada Puntland oo ay ku jiraan Garsoore iyo Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, isagoo shaaciyey in ilaa hada ay socdaan baaritaano ay qeyb ka yihiin dadka khuburo ku ah arrimaha baritaanada, isagoo rajeeyey in ay dhawaan banaanka keenayaan dhamaanba arrimahaasi wixii ka soo baxay.

Hadalka Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane C/rishiid Maxamed Xirsi ayaa ku soo beegmaya, xili labo maalin ka hor ay magaalada Nayrobi ay fashil ku dhamaadeen wada xaajoodyo ay yeesheen Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed.
Allgaracad.com
Duraan5@gmail.com



Shir Lagu Qabtay Seattle Washington O Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhamaan Jaaliyada Rer Seattle Washington Shirkaas Waxaa Lagu Casuumay Marwo Caasho Geele Halkaan Ka Daawada
Curent News









Shir Lagu Qabtay Seattle Washington O Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhamaan Jaaliyada Rer Seattle Washington Shirkaas Waxaa Lagu Casuumay Marwo Caasho Geele Halkaan Ka Daawada
Custom Search