Labo askari oo ku dhaawacantay xiisad ka taagan Gaalkacyo Dhagayso<><><><

Gaalkacyo: labo askari oo ka tirsan ciidanka dawlada hoose ee Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa maantay ku dhaawacmay xiisad kasoo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo.

Xiisadan ayaa u dhaxaysa Dawlada Puntland iyo maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo gaar ahaana agagaarka Bangihii hore ee Soomaaliya ilaa cusbada rasaas teelteel ah oo ay ridayaan ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug.

Ciidamada Dawlada Hoose iyo Maleeshiyaadka Galmudug ayaa isku horfadhiya bakhaarada labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladu ay xumaato hadaan labada maamul aysan xaalada qaboojin.

Halka rabshadani cusub ka taagan tahay ayaa ah, deegaankii uu ka dhacay dagaalkii ay ku dhinteen 14-ka qof 45 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana iminka xaaladu tahay mid dagan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug G/sare Muuse Xasaasi, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in xiisadani ay ka danbayso Galmudug, ayna soo weerareen ciidamada canshuurta qaada ee dawlada hoose ee degmada Gaalkacyo ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaana taliyuhu uu intaas ku daray in xaaladu ay dagan tahay Puntland ay diyaar u tahay nabad iyo xasilooni cidii qas iyo nabadgalyo daro wadana ay iska qaban doonaan.

Shacabka Gaalkacyo ayaa aad uga xumaaday xiisadan, waxaan shacabka ka guuxaya dagaalkii khasaaraha ba'an gaysan, kaasi oo dadkii ku dhaawacmay ay wali qaarkood la jiifaan dhaawicii kasoo gaaray dagaalkii u dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug.

Majirto cid ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug oo xiisadan ka hadashey marka laga reebo taliyaha qaybta Booliska Gobalka Mudug, allgaracad oo isku dayday inay xiriir la samayso labada dhinac, ayay suurtoobi wayday isgaariisnta telefoonka gacanta oo xun darteed.

wixii kasoo kordha xiisadan Gaalkacyo maantay ka cusub kala soco shabakada wararka ee Allgaracad.

Xafiiska wararka Allgaracad ee Gaalkacyo

Duraan5@gmail.com  C/laahi Yusuf Waraysi Siiyey Voa Waraysi Dhagayso>?>><><><>
Custom Search